Hay’adda DRC ayaa deeq isugu jirta Joodariyaal, maacuun iyo agab kale oo muhiim ah waxa ay guddoonsiisay qaar ka mid ah Soomaalida kasoo cararay dagaallada Yemen ee ku sugan magaalada Baladweyne.
Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay ayeey Hay’addu deeqdaan u qeybinaysay dadkaan, waxaana xusid mudan inay ka faa’ideysteen qoysas aad u badan.
Dadkii ka fa’ideeystay deeqdaasi ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay soo dhaweeyn wanaagsan aay kala kulmeen magaalada Beledweyne, waxaana sidoo kale ay sheegeen in ay qaateen lacago mudo ku siman Laba Bil.





From the comments