Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, waxaa ka dhacay kullan ballaaran oo looga hadlayay ammaanka guud ee gobalada Koonfur Galbeed, kaasi oo ay ka qeybgaleen xubno dhowr ah.
Kulankaan waxaa wada yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa ka socday Dowladda Itoobiya, iyo Waxgaradka Koonfur Galbeed.
Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobalka Baay oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ay tahay ka wada qeybqaadashada ammanka guud ee Seddax gobal, loogana bahan yahay maamulka Koonfur Galbeed ciidamo tababar loo siiyo.




From the comments