Hay’adda Isra ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dib u dayactir ku sameynayso masjidka Arbaca Rukun oo ka mid ah Masaajidda ugu waqtiga dheer ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Cabdiqaadir Cali Ibraahim ayaa maanta dhagax dhigay qorshaha lagu dayactirayo Masjidka Arbaca Rukun oo burbur xoogan uu ka muuqanayo.
Wasiirka oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in farxad ay u tahay in uu maanta dhegax dhigo Masjidka Arbaca Rukun oo dib loo dhisi doono, waxaana uu sheegay in marka Masjidka la dhiso ay ka faa’ideysan doonaan umadda Soomaaliyeed.




From the comments