Waxaa hadda qalinka lagu duugey heshiiska maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe , waxaana goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa heshiiska wax ka saxiixay qaar ka mid ah wasiirada, guddoomiyeyaasha gobolada Shabellaha Dhexe Cali Guudlaawey iyo kan Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegey in ay dhamaatay xiligii hal qof uu xayuubsanayay awoodda oo dhan, loona gudbey nidaam federal ah oo dadka deegaan kasta ay leeyihiin talada iyo aayo ka tashigooda.




From the comments