Goobjoog

Tahriibayaal Badan Oo Lagu La Yahay Badda u Dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Boqolaal Ruux oo kasoo jeeda qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika ayaa haatan lagu soo waramayaa in lagu la yahay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo tahriib…

Tahriibayaal Badan Oo Lagu La Yahay Badda u Dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Boqolaal Ruux oo kasoo jeeda qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika ayaa haatan lagu soo waramayaa in lagu la yahay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo tahriib ahaa.

Muhaajiriinta oo ka tagay dalka Liibiya ayaa ku safraayey dooni nooca kallumeysiga ah, waxaana hadda kooxaha u gurmaday sheegayaan in ay ka cabsi qabaan in dad badan ay dhinteen.

Tirada doonida saarneyd ayaa lagu qiyaasay in eey ahayd 700 (|Todoba boqol) oo qof, waxaase ilaa iyo hadda la helay 100 oo qur ah.

Ciidmada Cirka ee Ireland ayaa sheegaya in cabsida laga qabo in dhimashadu badan tahay ay aad u sareyso, halka dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ay durba xaqiijiyiin in tiro badani dhimatay.

Sanadkaan 2015 oo qur waxaa la xaqiijiyey in ay badweynta Mediterranean-ka ku dhinteen tiro ka badan 2,000 (Laba kun) oo qof, oo dhamaantood yihiin muhaajiriin nolol radinaya, iskuna dayaayey in ay galaan qaradda Yurub.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments