Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya In dad gaaraya 200 oo qof uu soo ritay cudurka Shuba Biyoodka, kuwaasi oo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.
Dadkaan ayaa isugu jira kuwo Da’ah iyo caruur, waxaana cudurkaan la soo sheegayaa in dhawaan uu ka dilaacay guud ahaan degmadaasi.
Nabadoon Xuseen Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan Dhoobley ayaa u sheegay Goobjoog News in cudurkaan uu saameyn ku yeeshay degmada, sidoo kalena aanay jirin dawooyin yaalla isbitaalka degmadaasi.




From the comments