Daraasad cusub oo laga soo saaray xarunta cilmi baarista ee Kaspersky “ee teknolojiyadda ayaa lagu sheegay in dhalinyarada qaan-gaarka ah ee ku xiran aaladda internetka inaanay awoodin intooda badani inay xasuustaan Nomberada telefonka dadka ay saaxiibada yihiin , sidaas oo kale waalidiinta %71 ma xasuustaan telefoonada caruurtooda.
Daraasaddan la sameeyay waxaa ka qayb galay dadbadan , dadkii ka qayb galay kala bar waxay ahaayeen dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 16-jir illaa 24-jir, waxaase jirtay inay telefoonadooda ku haysteen oo ay ku kayd sadeen wax kasta oo ay u baahnaayeen inay xasuustaan .
Daraasaddan waxaa soo daabacday jariidada ” Daily Telegraph”ee dalka ingriiska ;waxaana lagu sheegay in dadka ingiriisku ay maanta haysato dhibaato ” Illowshiiyaha dhanka tirada ah “waxaan ugu wacan sida xooga leh ee ay u isticmaalaan telefonada Smartiga ah iyo waliba aalaadda cilmi baarista ee Google, waxayna alaadahaasi sababeen inay dadku xasuusan waayaaan waxyaabo badan oo ay si sahlan ku xifdiyi jireen isla markaana si sahalan ay ku xasuusan kareen .




From the comments