Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu horkacayey Xoghayaha Guud ee ururka Mudane Maxbuub Macallin.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn wafdiga uga mahadceliyey doorka IGAD ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya, Hiigsiga 2016 ee waddanka loogu qabanayo doorasho iyo halka ay marayaan barnaamijyada dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta ee waddanka ka socda.





From the comments