Peter de Clercq, ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaas oo lagu bedelay Philippe Lazzarini oo hayay xilkaas.Waxaa uu sidoo kale noqon doonaa isku duwaha howlaha Banii-aadnimada iyo Wakiilka UNDP ee Soomaaliya.
Peter de Clercq oo u dhashay dalka Netherlands ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa madaxa laamaha Qaramada Midoobay u kala qaabilsan isku dubaridka gargaarka bani’aadminimo iyo horumarinta barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP ee Soomaaliya.
Bishii Maay ee sanadkan ayaa 3 bil waxaa waqtiga loo kordhiyay xafiiks caawimaada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.




From the comments