Qodobo muhiim ah ayaa laga soo saaray shir ay ka qeybgaleen wasaaradda dhirta iyo daaqa iyo xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka, maamul goboleedyada mas’uuliyiin ka socdey iyo waliba hey’adaha caalamiga ah kaasi oo looga hadlay arrimaha deegaanka, gaar ahaan xaalufinta lagu hayo deegaanka.
Waxaa si gaar ah looga hadlay jarista dhirta iyo dhubista dhuxusha oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta deegaanka Soomaaliya.
Wasiirka dhirta iyo daaqa iyo xanaanada xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa yiri “Hadii dhirta la xaalufiyo ma suurta galayso in xooluhu ay helaan daaq ku filan, aduunka xoolaha la dhoofinayo waxaa lagu qiimeeyaa culayskooda, Lo’da marka la dhoofinayo waxaa laga rabaa 300 kg, Arriga 30kg, xoolaheena dhibka haysta waxaaa dhacda marar badan in miisaankooda uusan buuxin si meel kasta loogu dhoofiyo”.




From the comments