Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta furay kalafadhiga 35-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka digay in lagu dhaqmo wax walba oo ka dhan ah Dastuurka dalka u yaalla ama wax u dhimi kara waxyaabihii lagu heshiiyay.
Waxa uu sheegay Gaas in hadii Federaalka qaabka hadda loo wado uu noqdo mid wax u dhimaya Dastuurka dalka iyo maamulada jira ay iyaguna dib u eegi doonaan waxyaabihii lagu hesiiyay.
“Soomaaliya waxay ku heshiisay nidaamka federalisimka, dastuurka ku meel gaarku wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida uu federalisimku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntlandna waa aabihii iyo hooyadii federaalka Soomaaliya, waxayna mar walba ku haminaysay Soomaaliya oo mid ah, kuna midowday habka Federalka ah, haddii qaabka federaalka hadda loo wadaa uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u gaysanaya maamuladii jiray, waxaa imaanaysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey, Dawladda Puntland waxay ka digaysa in lagu xadgudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nidaamka horumarka dawladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.




From the comments