Dekadda Mukalla ee dalka Yemen waxaa goor dhaw gaaray Markab weyn oo ka amba baxay magaalada Muqdisho, kaasi oo la doonayo in lagu soo daabulo dad badan oo dalkaasi ku dhibban, waxaana la socda Markabkaasi wariyayaal ka tirsan Goobjoog News.
Wariyaheena Aweys Xaaji Nuur Aar ayaa soo sheegay in markabkaan uu gaaray Mukalla inkastoo weli aanu ku xiran dekadda, balse saacadaha soo aadan uu si rasmi ah ugu xiran doono halkaasi.
Aar oo sharaxaad kooban ka bixiyay muuqaalka guud ee Mukalla ayaa sheegay in jawi ahaan ay degan tahay, islamarkaana ay meel kore ka arkaan Kaluumaysato, iyo sidoo kale caruur meel shishe ku ciyaaraya.




From the comments