Dekadda Magaaladda Boosaaso ee gobalka Bari waxaa maanta soo gaartay doon weyn oo waday dad badan oo kasoo cararay dagallada Yemen, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay dalkaasi.
Doonida ayaa siday qaxooti gaarayay 2-Kun oo qof, kuwaa oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin kasoo cararay magaalooyin ka mid ah Yemen Oo Coladdo ka socdaan.
Dadka maanta yimid waxaa ka muuqatay qaarkood daal iyo xanuuno kale iyadoona loo gudbiyay goobaha Caafimaadka si xaaladooda Caafimaad lagula tacaalo.





From the comments