Nabadoon Maxamed Axmed oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaankaasi oo maalin kahor lagu dagaallamay.
Waxa uu sheegay Nabadoonka in maamulka gobalka Hiiraan iyo ciidamo ka tirsan Milatariga, islamarkaana huwan magac qabiil ay duulaankaasi qaadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Dagaalka Deefoow waxaa soo qaaday ciidamada Milatariga dowladda iyo maamulka gobalka Hiiraan oo huwan magac qabiil, anaga waan hubnaa, cadeymo badan baan haynaa, rasaastii ay dowladda bixisay, darees iyo qoryo ayaan ka haynaa, ciidamadaan ilaa degmada Buuloburde ayaa laga keenay, laakiinse anaga waan iska caabinay” ayuu yiri Nabadoonka.




From the comments