Injineer Sheekh Saalax ayaa amar uu soo rogay ku sheegay in dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay khasab ku tahay in ay sameeyaan meelo dadka naafada ah ay ka geli karaan, musqulo ay ku xaajoon karaan iyo in loo sameeyo meelo u gaar ah oo ay baabuurta naafada ah kaliya la dhigan karo.
Isaga oo maanta (Arboco) ka hadlayay shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, xilligaas oo uu Wasaaradda booqday Maxamed Cali Faarax oo ah muwaadin u dooda xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ayuu yiri “ Bani aadamka Alle ayaa karaameeyay. In aan annaga karaameyn weyno waa wax aan fiicneyn. Waxaan farayaa dhamaan dadka iyo shirkadaha dhisanaya dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka ah in ay sameeyaan meelaha dadka naafada ah ay ka gali karaan dhismayaasha sida kuwa danta guud, masaajidyada, musqulaha guud iyo xawaaladaha.”.
Dhanka kale, Maxamed Cali Faarax oo isaga shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dadka naafada ah ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay kamid tahay in gurigiisa mooyee uusan dhismayasha ka helin musqul uu gali kale ama uusan sida dadka kale dursad u heli karin in uu meelo kamid ah goobaha dadweynaha geli karin.




From the comments