Ciidamada dalka Uganda ayaa ka dalbaday AMISOM in kor loo qaado Magdhawga la siiyo Ciidamadooda ku dhinta Soomaaliya oo hadda la siiyo Shs150 million ($50,000), waxay doonayaan in laga dhigo ilaa Shs210 million ($70,000).
Madaxda Ciidamadan ayaa codsigan u gudbiyay Madaxa waaxda Howl-gallada nabadda ee AMISOM Mr Bam Sivuyille oo Isniintii booqday magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Warbixintan oo ay ciidanka usoo gudbiyeen Saxaafadda waxaa ku qornaa in Uganda ka dalbatay AU-da kor u qaadista Magdhawga la siiyo Ciidamadooda lagu dilo dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in ciidankaas ay ka tagaan qoysas u baahan taageero dheeraad ah.




From the comments