Ciidamada Itoobiya ayaa hor istaagay Gaadiid sida dad dhaawac ah oo ka yimid deegaanada uu dagaalku ka socdo kuna sii jeeday dagmada Guriceel ee Gobolka galgaduud.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Isarliin ee dagmada Guriceel Cali Cumar Tarabi oo u waramayay Goobjoog News ayaa sheegay in Isbitaalka uu qaabilay ilaa 18-ruux oo ka mid ahaa dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay dagaalka ay Ciidamada New Police ku soo qaadeen deegaanada ay dadka reer miyiga ah ku noolyihiin.
Cali Cumar Tarabi ayaa intaasi raaciyay inay jiraan gaadiid siday dad badan oo ku soo dhaawacmay dagaalka oo ay Ciidamada Itoobiya ka horistaageen in ay tagaan Isbitaalka dagmada Guriceel isaga oo xusay in ay dadkaasi heli karin adeeg caafimaad inta ay ku sugan yihiin deegaanka ay ku hakiyeen Ciidamada Itoobiya.




From the comments