Goobjoog

Al-shabaab Oo Askar Kenyan Ah Ku Dishay Gaarisa

Tiro Ciidamada Booliiska Kenya ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen weerar Al-shabaab ka geysteen deegaanka Yumbis oo ka tirsna Fafi , Garisa. Warar aan la xaqiijin ayaa…

Al-shabaab Oo Askar Kenyan Ah Ku Dishay Gaarisa

Tiro Ciidamada Booliiska Kenya ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen weerar Al-shabaab ka geysteen deegaanka Yumbis oo ka tirsna Fafi , Garisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 Booliiska Kenya ah ay ku dhinteen weerarka Al-shabaab ee Garisa.

Ciidamo ka badbaaday halkaas ayaa sheegay in afar gaari halkaas looga gubay, Booliis ayaa u socday Yumbis saacado kadib weerar Miino oo askar kale lagu dhaawacay.

Mas’uul ka tirsan Fafi Geoffrey Taragon ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawacyada aanay khatar ku jirin.

Sooyaalka Qaraxyada Kenya:

 7 August 1998: 213 qof ayaa Nairobi ku dhimatay oo ku jiraan Askar, Sirdoon iyo shaqaale Mareykan ah, 11 kale ayaa ku dhinat Daru salaam, dhaawaca aad ayuu u badnaa.

21 September 2013: Westage Mall, weerar lagu qaaday waxaa ku dhimatay in ka badan 67 qof, in ka badan 200 ayaa ku dhaawacantay.

2 April 2015, Dabley ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ee magaalada Garissa, Kenya,waxaa ku dhintay  150, waxaa ku dhaawactay 79 qof.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments