Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta gaariga barnaamijka Gurmad iyo Gargaar waxa ay ka mamnuuceen in uu isticmaalo wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM-4, iyaga oo halkaasi saacado ku haystay gaariga iyo darawalkii waday.
Maxamed Cali Axmed oo ah darawalka gaariga Gurmad iyo Gargaar ayaa sheegay ciidanka ay ku qabteen koontaroolka yaalla wadadaasi, gaar ahaan gaadiidka lagu baaro marka ay u socdaan Garoonka Aden Cadde, waxaa loo kaxeeyay isaga iyo gaarigiisa Saldhigg garoonka Aadan Cadde, halkaasi uu ku jiray 3 Saac.
Ciidamada ayaa u sheegay Darawalka in ay ku raadjoogeen muddo Sadex maalmood ah, iyagoo intaa raaciyay in madaxdooda ay soo amreen si ay gaariga Gurmad iyo Gargaar u qabtaan.!





From the comments