Goobjoog

Xildhibaanad Markii Doorashada Looga Adkaaday Xirtay Barteeda Twitter-ka

Xildhibaanadda laga adkaaday ee Xisbiga Conservative-ka Ingiriiska Esther McVey ayaa xirtay Xisaabteeda xagga Twitter kadib markii ay ku guuldareysatay kursigeeda doorashadii guud ee dhawaan dhacday. Gabadhan ayaa Profile-keeda meesha ka…

Xildhibaanadda laga adkaaday ee Xisbiga Conservative-ka Ingiriiska Esther McVey ayaa xirtay Xisaabteeda xagga Twitter kadib markii ay ku guuldareysatay kursigeeda doorashadii guud ee dhawaan dhacday.

Gabadhan ayaa Profile-keeda meesha ka saartay kadib markii ay kursiga Wirral West uga adkaatay Margaret Greenwood oo u tartameysay Xisbiga shaqaalaha.

Dhambaalkii ugu dambeeyay ee lagusoo daabaco waxaa uu ahaa in Xisaabtan aanay jirin, oo hawada laga saaray, waxaa ku saxiixnaa “@EstherMcVeyMP” does not exist”

Waxay kusoo biirtay barta Twiter-ka sanadkii 2009-kii, iyadoo dirtay in ka badan 5,600 tweets, waxaa sidoo kale taageeray ama soo raacay 16,000 .

Xiritaanka barta Twitter-ka Xildhibaanadda waxaa ka xanaaqay dadkii warbixinadeeda la socday, dadka qaar ayaa ku tilmaamay in ay qaraartay halka kuwa kale ay leeyhiin nasiino ayey aaday.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments