Waxaa maalintii Afaraad hawada ka maqan Idaacadda Risaala oo ka mid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa xabsi Hay’adaa nabad sugidda leedahay oo ku yaala magaalada Muqdisho habeenkii sedexaad ku hoyday Agaasimiha Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab, Maxamed Kaafi Sheekh Abukar oo ah Tifaftiraha Idaacadda iyo sidoo kale mid ka mid ah War soo saarayaasha Idaacadaasi.
Xaalada cafimaad ee Wariyaasha ayaa ah mid caadiya marka laga tago xoriyadooda oo aysan weli helin



From the comments