Madaxweynaha maamulka Khaartumo State ayaa ka hadlay arimo badan oo ku aadan hanaanka Soomaalida wax ku aqeybsato ee ah 4.5, taasi oo uu sheegay in wax badan ay caqabad ku noqotay sida amaanka iyo arimo kale.
Galeyr ayaa sheegay in walaac umada Somaaliyeed ay ku keentay Hanaankaan Awood Qaybsiga , taas oo uu tilmaamay in ay keeni karto sidoo kale habacsanaan xaga Nabadgalyadda.
Sidoo kale waxa uu is weydiiyay Madaxweynaha maamulka Khaatumo qaabka iyo sida Ciidamada Qaran oo loo helo karo mar hadii wali ay taagan tahay awood qaybsiga Soomaalidu ay caadaysteen wixii ka danbeyay bur burkii dalka.



From the comments