Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dhawaan Ergo ka shaqeysa nabadda ay u dirayaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo dhawaan dagaalo ay ka dhaceen.
Maxamed Xaaji Xuseen oo ah wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in kaalin ay ka qaadan doonaan nabadda Gal-gaduud, gaar ahaan deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Ahlu-sunna Waljameeca.
Waxa uu sheegay Maxamed Xaaji in ay ugu baaqayaan Labada dhinac ee dagaalantay in nabadda kaalin ay ka qaataan, dibna u eegaan shacabka degan degmooyinkaasi oo xilligaan aanu u baahneen dagaalo waa sida uu hadalka u dhigaye.



From the comments