Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si nabad galyo ah kula wareegay degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo dhawaan dagaal ay ku qabsadeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.
Ciidamada Ahlu-sunna ayaa la sheegay in ay iyagu halkaasi isaga baxeen, waxaana ay kala adeen Laba jiho oo kala ah, Xeraale iyo sidoo kale deegaanka Geri-jire oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan degmada Guriceel.
Xaaladda guud ee degmadaasi aad ayeey u degan tahay, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaaliya oo uuu ka mid yahay gudoomiyaha gobalka Gal-gaduud ee dowladda.



From the comments