Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah safiiro ka socda wadamo ka mid ah caalamka, kuwaa oo haatan magaaladaasi kulamo kula leh madaxda maamulka KMG ee Jubba.
Safiiradaan gaaray Kismaayo ayaa ka kala socda wadamada kala ah Talyaaniga , Norwey,Sweden,Denmark,Uk,France,Holland iyo Madax ka socota urur Goboleedka IGAD iyaga oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Saacadaha soo aadan waxaa magaalada Kismaayo ka furmaya shir balaaran oo xubnahaan ay la qaadan doonaan madaxda Jubba, waxyaabaha laga hadli doono waxaa ka mid ah, wixii u qabsoomay xagga amni iyo sidoo kale dhameystirka maamulka Jubba



From the comments