Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaad ayaa ka dhacay deegaanka Xawaadleey ee ku dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalkaan ayaa sababay geerida Taliyahii ciidamada dowladda ee deegaankaasi, kaa oo lagu magacaabo Cumar Xasan, waxaana dagaalkaan la sheegay in uu daba socodo dagaalo horay halkaasi uga dhacay.
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobalka Shabeelaha Dhexe Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in saaka xaaladda ay degan tahay islamarkaana waan waan qay socoto.



From the comments