Taliska ciidamada Boliiska ee magaalada Marka ayaa sheegay in ay la socdaan in magaaladaasi ay ku sugan yihiin rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.
Taliyaha saldhigaasi Cabdi Nuur Isaaq Xuseen oo Wareysi Siiyay Goobjoog Fm ayaa sheegay in halkaasi ay ku joogaan ogaanshiyaha Rag ka mid ah Al-shababa oo degmadaasi jooga.
“Al-shabaab inuu joogo waan ognahay, Maleeshiyo inay joogto waan ognahay, in lagu dagaalamayo meesha waan ognahay, laakiinse awoodii waxaas oo dhan ku xakameen lahayn malihin” ayuu yiri taliyaha.



From the comments