Maanta magaalada Kismaayo waxaa ka dhacdey rasaas xoogan oo kor loo ridayay, iyada oo la adeegsanayay hubka fudud iyo waliba hubka tiknikada kadib markii halkaasi uu gaarey war been abuur ah oo ku saabsan in xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabay Xusseen Cabdi Xalane oo hadda ah sii hayaha wasiirka Maaliyadda.
Sida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada Kismaayo, mar kaliya ayaa magaalada waxaa qabsaday dhawaaqa rasaasta iyo hoonka baabuurta, iyada oo la arkayay dad lacago qeybinaya iyo kuwa qeybinaya boorar uu ku yaalo sawirka Xalane.
Waxa ay dadka iyo ciidamada maamulka Jubba u damaashadayeen warka ku saabsan in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii damaashadaayay oo aan la hadalnay qaarkood, warkaasi waxa uu ahaa mid been abuur ah oo aanan la ogeyn halka uu magaalada ka gaarey.



From the comments