Waxaa hadda furmey kulankii baarlamaanka , waxaana xildhibaanada loo qeybiyey waraaqaha xildhibaanada saxiixey mooshinka, iyada oo la guda galay ka doodista Mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Sida uu sheegey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaa mooshinka saxiixey 138 xildhibaan, waxaana xildhibaanada loo qeybiyey magacyada xildhibaanada saxiixey.
Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha sheegey in ay kulanka fadhiyaan 191 xildhibaan.



From the comments