Afayeen u hadlay laamaha amniga dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyey qarixii maanta ka dhacay illinka laga galo garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan meel u dhow.
Wuxuu sheegey in dhowr qof, oo intooda badan dad rayid ah yihiin oo meesha marayay ay ku dhinteen, iyo hal sargaal oo uu sheegey in uu ka hortagay gaariga, kuna guuleystey in uu ka joojiyo in uu garoonka galo.
Gaariga ayuu noociisa ku sheegey in uu yahay Noha, taargadiisuna tahay AB564, islamarkaasina uu kaxeynayay wiil aad u yar oo lasoo miineeyey isaga iyo gaarigaba.



From the comments