Kalafadhigii Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta furmay 1:50 Duhurnimo xiliga Muqdishu, waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 139 Xildhibaan.
Xildhibaanada ayaa badankood saxiixay diiwaanka oo kaliya, kadibna iska tagay, iyada oo sida aad sawirada ka aragtaan ay xildhibaano faro ku tiris ah ay dhageysteen miisaaniyadda iyo hindise sharciyeedyadii ay wasiirada akhriyeen.
Dib u dhaca furitaanka Kalfadhiga ayaa loo aaneeyay Xildhibaanada Federaalka oo badakooda aaday xafladda lagu caleemo saarayo Shariif Xasan Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka soco Baydhabo.




















From the comments