Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoolahooda, gaar ahaan geela ay u dhimanayaan cuduro aanan la aqoonin oo cusub, waxayna codsanayaan in geela dhiig laga qaado si loo ogaado waxa ay yihiin cuduradani.
Cabdullaahi Diiriye oo ka mid ah xoolaleyda Gedo ayaa Goobjoog u sheegey in illaa 70 neef oo geel ay u dhinteen cudurkani , kuwaasi oo ay dad kala duwan leeyihiin. Wuxuu intaasi ku daray in dad cuney hilibka xoolihii ay waxyeelo kasoo gaartey.
Ugu yaraan hal qof ayuu sheegey in uu u dhintey hilibka uu cuney, sedex kalana ay ku xanuunsadeen, waxaana loo qaadey deegaanka Diif oo magaalo ahaan u dhow meelaha xoolaha hilibkooda ku sumoobeen.



From the comments