Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baladweyne oo ay wehliyaan dad ka socdey bulshada Baladweyne ayaa booqdey xarun lagu xanaaneeyo dad qaba cudurada dhimirka, waxayna ka deeyriyeen xaalada dadkaasi.
Cumar Ibraahim Aadan (Cumar Baadiyoow) oo ah duqa magaalada Baladweyne ayaa sheegey in baahida koowaad ee dadkani qabaan ay tahay gogol, iyaguna ka maamul ahaan ka hawlgali doonaan arrinkaasi.
Waxaa sidoo kale hadlay Keynaan oo ka mid ah ganacsatada Baladweyne, wuxuu sheegey in isaga oo ku hadlaya shirkada korontada Dayax ay xaruntani si lacag la’aan ah ku siin doonaan koronto iyo biyo.



From the comments