Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinaayo Al-shabaab waxay ka sameeyeen deegaano badan oo hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
Ciidamadaan ayaa soo qabtay dad gaaraya 10 ruux, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen in dadka ay soo qabteen ku wadaan baaritaano, si loo xaqiijiyo tuhunka lagu soo qabtay.
Taliyaha ciidamada xooga dalka ee degmada Maxaas Maxamed Muumin Saneey ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in howlgalkaan uu ahaa sidii dadka shacabka looga caawin lahaa ka qabashada Al-shabaab oo uu sheegay in dadka dhibaato ay ku hayaan.



From the comments