Maamulka dowladda Soomaaliya ee deegaanka Ceelgaras ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalkaan ayaa ahaa mid culus, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, inkastoo tiro rasmi ah aan lahayn.
Xasan Daahir Sheekh oo ah gudoomiyaha deegaankaasi ayaa sheegay in ay dileen saraakiil ka mid ah Al-shabaab intii dagaalkaan uu socda, waa sida uu hadalka u dhigaye.



From the comments