Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in aysan jirin wax gurmad ah oo dhanka Puntland usoo direyn shacabka ku dhiban deegaanada abaartu ka jirta ee gobalkaasi.
Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in gurmad dhawaan la keenay Gedo, kaa oo lacag iyo raashiin isugu jira.
“Gobalka waxa uu leeyahay maamul, wax walba oo samafal ah waa in maamulka lagu soo wareejiyaa, inaga ayaa kala og meelaha ay dhibaatada ka jirto, hadii dad kale aad gacanta u saarto taasi gurmad ma ahan ee shaqsi ayaad ku wareejisay” Kaliil ayaa sidaasi yiri.



From the comments