Mashruuc balaaran oo biyo xireen ah iyo waliba qeybsiga biyaha wabiga Dawa ee maraya xuduuda sedexda dalka ay wadaagaan ayaa lagu saxiixay magaalada Nairobi sida uu maanta faafiyey wargeyska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.
Shir maalmo ka socdey Sarova Panafric hotel ee Nairobi oo ay soo qabanqaabisey IGAD kana socdey IGAD ayaa ugu dambeyntii qalinka lagu duugey heshiis wali faahfaahintiisa rasmiga ah aysan soo shaac bixin.
Barasaabka degmada Mandera ee Kenya Cali Roba ayaa sheegey in heshiiska uu yahay mid lagu qeybsanayo biyaha wabiga, loogana faa;iideysano si buu yiri wax looga qabto abaarta soo noqnoqata.



From the comments