Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay isku keenaan dhinacyada aragti ahaan isku haya siyaasadda guud ee Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Cabdulaahi Cabdi Garuun oo ka mid ah xildhibaanadan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, isaga oo jooga magaalada Baydhaba in ay isku soo dhaweyn doonaan siyaasiinta aragtida kala duwan ka qaban maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in aan hadda lagu deg degin dhameystirka shirka Sedaxda gobal ee ka socda Baydhaba si looga war sugo maamulka Madoobe Nuunoow.



From the comments