Maamulka Puntland ayaa digniin kama dambeys ah u diray shirkadaha is gaarsiinta ee ka shaqeeya deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.
Wasiirka Warfaafinta Putland Cabdiweli Xirsi Cabdule (Indho Guran) oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaduha isgaarsiintu wax ka bedaleen qiimo ay horay ugu heshiiyeen Puntland iyo shirkadaha, kaa oo ahaa ku hadalka Taleefanka oo sidaan oo hoose heshiiska ahaa.
- Qiimaha laysku waco halka daqiiqo gudaha Puntland: $0.027+khidmadda dowlada.
- Qiimaha laysku waco halka daqiiqo gudaha Puntland: $0.054+khidmadda dowlada.
- Qiimaha lagu waco halka daqiiqo dibadda: $ 0.36+khidmadda dowlada.
Indho Guran ayaa digniin u jeediyey saddexda shirkadood ee ugu waaweyn Puntland (Golis, Nation Link iyo Somtel) isaga oo xusay in maamulka talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono hadii ay jebiyaan heshiiska.



From the comments