Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa ka socda shir lagu dhisaayo maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo ka arimin doona sedaxda gobal ee kala ah gobalada Bay, Shabeelaha Hoose, iyo Bakool.
Malaaq Cali Cabadiraxmaan Shiino oo ka mid ah Odayaasha ku howlan shirkaan ayaa u sheegay Goobjoog in Dastuurkii loo qeybiyay Ergada, dhawaanna la meel marin doono.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay u yeerayaan xubno shirkaasi ka maqan oo aanu sheegin sababta ay u maqan yihiin.



From the comments