Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa lagu wadaa in uu ka furmo wajiga labaad ee Shirkii Wajigiisii kowaad dhawaan lagu soo gaba gabeeyay degmadaasi, waxaana shirkaan loogu magacdaray Midnimo.
Afhayeenka Shirkaasi Maxamed Aadan Cali Dheere ayaa sheegay in shirarkan ay yihiin sidii la isugu soo dhaweyn lahaa beelaha wada dega Gobolkaasi.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay ku war galiyeen Maamulka KMG Juba ka soo qayb galka wajigan labaad ee ka furmaya Magaalada Garbaharay ee Gobolka Gedo, inkastoo horay ay war uga soo saareen.



From the comments