Maamulka degmada Balanbal ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in ay ku guuleysteen ka hor tagista dagaalo qaab qabiileed u dhici lahaa ka dib dadaalo ay sameeyeen.
Gudoomiyaha Degmadaasi C/rashiid C/laahi Geele ayaa sheegay in Magaalada ay ku qabteen kulamo lagu nabadaynayo beelaha walaala ah ee ku dagalamay Degmadaasi.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Degmada in ay sii wadi doonan shirarka lagu soo afmeerayo xiisadahii gacan ka hadalka ee ka taagnaa Degmada, xaaladuna hada ay tahay mid ka wanaagsan sidii hore.



From the comments