Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku sheegay xog ay baahisay dhawaan Kooxda dabagalka hubka ee dalalka Somaliya iyo Eritrea Monitoring Group, taa oo ku aadan in madaxweynaha la taliya uu u yahay shaqsi lagu magacaabo Muuse Xaaji Maxamed Ganja oo ay ku sheegeen in Al-shabaab hubka u gudbiya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lataliyaashiisa aanu ku jirin shaqsi Muuse la dhaho waligiisna aanu soo marin shaqsi magacaas xitaa leh.
“Ninka ay ku magacaabeen Muuse, waligeey xafiiskayga kama aanu shaqeyn, waxaan jeclaan lahaa in arintaan ay cadeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



From the comments