Degmada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud waxaa maalmahaan dambe ku qul qulaayay ergo badan oo la doonayo inay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji ayaa u sheegay Goobjoog Fm in magaalada Cadaado hadda ay ka soconayaan kulamo gaar gaar ah, sidoo kalena halkaasi ay gaareen Aqoonyahano iyo siyaasiin shirka ka qeyb gali doona.
Careys ayaa dhanka kale sheegay in maamulkooda aad u adkeeyay amaanka guud ee degmada Cadaado, si loo xaqiijiyo amniga shirka iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa.



From the comments