Qaraxa ayaa lagusoo waramayaa in goor-dhow ka dhacay Barxadda Hooyooyinka, xaafadda Xamar-weyne ee magaalada Muqdishu.
Qof Goobjooge ah ayaa idaacadda Goobjoog u sheegay in dad badan ku waxyeeloobeen goobta qaraxu ka dhacay , “gawaarida Ambalaasta ee dhaawaca lagu daad-gureeyo ayaa goobta timid” ayuu intaa raaciyay.
Goobjoogaha oo Shock-sanaa ayaa idaacadda u sheegay in qaraxan uu ka dhacay goob horay qaraxyo kan la mid ah uga dhaceen, dhaawac iyo dad dhintay ayaa ii muuqda ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.



From the comments