Goobjoog

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda iyo maamulka Puntland

Midowga Afrika ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii shalay magaalada Garoowe ay ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan…

Maman Sidikou
Maman Sidikou

Midowga Afrika ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii shalay magaalada Garoowe ay ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou ayaa heshiiska ay gaareen labada dhinac ku tilmaamay mid u saamaxaya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan horumarinta ammaanka, dib u soo celinta xiriirka, dib u eegidda iyo dhaqan-gelinta dastuurka ku-meel gaarka ah ee federaalka iyo qabashada doorasho dimuqraaddi ah marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Danjire Maman ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu aasaas u noqon karo xallinta khilaafaadyada ka jira gobollada kale ee dalka, si dadaallada oo dhan la isugu geeyo sidii nabad iyo barwaaqo ay u heli lahaayeen dadweynaha Soomaalida.

Waxaa heshiiskan saxiixay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments