Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo waftigii la socday ayaa caawa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagusoo waramayaa in halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas’uulyiin uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Cali Amerika.
Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maalinta berrito ah ku sii jeeda dalka Burundi, halkaas oo ay uga qey-gali doonaan shir looga hadli doona amniga gobolka.



From the comments