Kooxda daba galka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteria (UN Monitoring group) ee hoos yimaada qaramada midoobay ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah la taliyaasha madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed in uu ku lug leeyahay weecinta hub sharci darro ah oo gacanta loo galiyay xarakada Al-shabaab sida laga soo xigtay warbixin cusub oo lagusoo daabacay wakaalada wararka ee Reuters.
Eedayntan oo qusaysa Muuse Xaaji Maxamed oo loo yaqaano Ganjab ahna ganacsade caan ah ayaa farriin Email ah oo uu u diray wakaalada Reuters wuxuu ku beeniyay eedeymaha kooxda baarayaasha qaramada midoobay ee loo yaqaano Monitoring group.
Wuxuu ku sheegay eedayntan in looga dan leeyahay sidii loo wiiqi lahaa awooda dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuuna ku eedeeyay in uu arrintaas ka dambeeyo ninka ugu sareeya Monitoring group Jarat Chopra, kuna tilmaamay in uu ka shaqeynayo xasilooni darada Soomaaliya.



From the comments