Goobjoog

DEG-DEG: Rag hubeysan oo dhaawac u geystay wariye ka howl gala Muqdisho

War daqiiqado ka hor soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerareen isla markaana ay dhaawac u geysteen wariye ka tirsan suxufiyiinta ka howl gala…

War daqiiqado ka hor soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerareen isla markaana ay dhaawac u geysteen wariye ka tirsan suxufiyiinta ka howl gala magaalada Muqdisho.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa rasaas dhabarka kaga dhuftay Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black oo u shaqeynayay Telefishinka Somali Chanel.

Dhaawaca wariyaha ayaa loola cararay isbitaalka Madiina halkaas oo imika lagu dabiibayo, qof ku sugan gudaha isbitaalka ayaa u sheegay Goobjoog FM in dhaqaatiirta ay ku mashquulsanyihiiin dhaawaca wariyaha isla markaana uu saaranyahay saalada qaliinka.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments