Warar hadda nagasoo gaadhay degmada Jowhar ee gobolka Sh. Dhexe ayaa sheegaya in dab ka kacay magaaladaasi.
Dabka ayaa ka ka bilowday Kaalin-Shidaal oo ku taalay degmada Jowhar sida uu Idaacadda Goobjoog u sheegay qof goobjooge ah.
Idaacadda Goobjoog ayaa la xiriirtay Gudoomiyaha degmada Jowhar Muxammad-Amin Maxmed Cusman Caqil, Caaqil ayaa xaqiijiyay in dab khasaaro badan geysatay uu ka kacay magaaladaasi isagoo intaa ku daray in aanay jirin dhimasho iyo dhaawac balse hanti badan halkaas ku baaba’day.



From the comments